Qarax khasaare xoogan geystay oo ka dhacay degmada Bardaale

0

BARDAALE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay bartamaha degmada Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada lagu aaso ayaa ka dhacay suuq ku yaalla halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee dhaca koonfurta Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here