Qarax lagu weeraray xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaaa  caawa fiidkii hore xilliga afurka la qarxiyey xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taala agagaarka Daallo ee degmada Howlwadaag, ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxaan oo sida la sheegay ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee xarunta oo isugu jirta Laan iib oo macaamiisha shirkadda loogu adeego iyo BTS ayaa sida la xaqiijiyey geysan wax khasaaro nafeed ah, balse waxaa jira burbur xoogan oo gaaray dhismaha xarunta.

Weerarkan  ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax lala eegtay Box telephone oo ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku yiilay tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Ilaaa hada Lama oga sababta loo beegsaday xaruntaan oo ay dadka dagankaas si wayn ugu tiirsanaayeen adeegyada ay bixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here