Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu sababay qarax xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Shiirkoole ee degmada Hodan.

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay hoyga uu halkaasi ka dagan yahay taliyihii hore ee saldhigga booliska degmada Hodan, Cabdifitaax Qoslaaye.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino lagu xiray meel kamid ah guriga, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

illaa 4 kamid ah ilaalada taliyaha ayaa halkaas ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qosalaaye oo ah sarkaalka xalay ka bad-baaday weerarkan ayaa dhowaan xilka laga qaaday, kadib markii mid kamid ah ilaaladiisa uu dilay ganacsade ku sugnaa Tarabuunka.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here