Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan caasimadda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu geystay khasaare kala duwan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu gaartay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas xiray gebi ahaan isgoyska Ceelgaabta oo uu qaraxu ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here