QM oo shaacisay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan halis

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay oo lagu soo beegay maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3 May ayaa lagu sheegay in Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh.

“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaramada Midoobay sidoo lale waxay tilmaamtay in Warbaahinta Soomaaliyeed oo qayb muhiim ah ka ah koboca dimuqraadiyadda dalka ay u baahan yihiin xorriyad aan lahayn handadaad iyo waxyeello kale midna si ay shaqadooda muhiimka ah u gutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here