QM oo sheegtay inay ka darayso abaarta ku dhufatay dalal ay ku jirto Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Geeska Afrika ayaa waxaa ka jira mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa taariikhda, iyadoo in ka badan 15 milyan oo qof ay soo food saartay xaalad cunto yari oo aad u daran iyo biyo la’aan ka jirta guud ahaan Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Waxay hay’adaha gargaarka QM sheegeen in Tirada dadka ay saameysay abaarta ay gaari karaan 20 milyan haddii roobabka sanadkan ay baaqdaan.

Guud ahaan Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, qiyaastii 5.7 milyan oo carruur ah ayaa ay haysa nafaqo-darro ba’an, halka in ka badan saddex milyan oo xoolo ah — oo qoysas badan ay ku tiirsanaayeen ay dhinteen sanadkan abaarta darteed.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa billowday codsigeeda 2022 bishii Diseembar, iyada oo raadinaysa $41 bilyan si ay u caawiso 274 milyan oo ku nool Geeska Africa, kuwaasoo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Sidoo kale waxay sheegtay in deeq-bixiyeyaashu ay ilaa hadda ku tabaruceen ku dhawaad $6 bilyan.B

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here