Muqdisho, Luulyo 19, 2025 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa ka qayb galay munaasabad weyn oo lagu soo xirayay imtixaanaadka shahaadiga ah ee maamulka Galmudug, taasoo ka dhacday mid ka mid ah xarumaha waxbarashada ee muhiimka ah ee deegaanka.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa munaasabadda ka sheegay in maamulka Galmudug uu ka go’an yahay horumarinta adeegyada iyo tayada waxbarashada. Isagoo si cad u hadlay, ayuu carabka ku adkeeyay in uu ku dadaali doono sidii Galmudug ay u noqon lahayd meesha ugu horreysa ee dalka laga daydo marka la eego horumarka waxbarashada.
“Waxaan ka shaqayn doonaa in Galmudug noqoto halkii waxbarashada dalka laga dayn lahaa,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay macalimiinta iyo maamulka dugsiyada oo uu ugu baaqay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda.
Sidoo kale, wuxuu ballanqaaday in maamulka Galmudug uu diyaar u yahay inuu garab istaago cid kasta oo ka shaqeysa kor u qaadista waxbarashada, isagoo muujiyay in waxbarashadu ay tahay tiirka horumarka bulshada.
Hadalka Madaxweyne Qoor Qoor ayaa imaanaya xilli maamulka Galmudug uu wado dadaallo xooggan oo lagu horumarinayo waxbarashada deegaannada maamulkaas, waxaana loo arkaa tilaabo dhiirrigelinaysa kororka tayada waxbarashada ee gobolka.




