Qoyska nin NISA ku qabatay Muqdisho oo sheegay in wiilkooda la shirqoolay

0

MUQDISHO (SMN) –  Qoraal ay soo dhigtay Baraha Bulshada gabar lagu magacaabo Dahabo Xaaji Ciise oo ay ilmo adeer yihiin Kamaal, waxay ku andacoonaysaa in ay jiraan ganacsato u adeegsata dhalinyarada Kenyanka ah gudbinta badeecooyinka sharci darrada ah dalalka kala duwan, iyadoo ka faa’idaysanaya aqoon la’aantooda.

 

Qoyska ayaa sheegay in Zakariya  ay shirqooleen ganacsato waaweyn xili uu ku sugnaa dalka Shiinaha, waxaana dusha laga saarey kunteenaro hub iyo walxo qarxa ku jiray oo NISA bishii May ee sanadkan ku qabatay dekada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay kusii jeedeen Al-Shabaab.

Waxay sheegeen qoyska in Zakariya uu lahaa Ganacsi, isagoo bariga Africa keeni jiray alaabo uu ka keeno Shiinaha. Waxaa lacag badan u sheegay ganacsato kale oo u dirsaday inuu alaab uga soo qaado Shiinaha, taasoo lasoo marsiiyay dekada Mombasa, kadibna ugu dambeyn lagu qabtay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here