Sawirro: Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa uga qeybgalay shir caalami ah

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

 

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta  ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha  iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige  oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka. Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee  Iskaashiga Wiisarada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here