R/W ku xigeenka oo furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Somalia.

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here