Ra’iisul wasaare Rooble oo xil ka qaadis iyo isku shaandheyn sameeyey

0

MUQDISHO (SMN) – Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo

Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska

Tallaabada xilka qaadista ah ee uu sameeyey Rooble ayaa aheyd mid ku timid si lama filaan ah, isla-markaana kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here