R/W Rooble oo kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la yeeshay xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa wakiillada beesha caalamka kala shiray xaaladaha bani’aadanimo ee dalka, gaar ahaan abaaraha haatan ka jira qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu hayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here