Taliye Xijaar iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo + ujeedka

0

BAYDHABO (SMN) – Wafdi Saraakiil sare sare ah oo uu hogggaminayo taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka General Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa maanta Gaaray magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xijaar iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi, isaga oo kadib kulamo hordhac ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu soo geba gabeeyo doorashada kuraastii ugu dambeysay ee xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here