MUQDISHO (SMN) – Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha, kaas oo ah mid ballaaran.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta baโan ee dalka ka jira.
Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybahaย kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaaโudiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada, waxaana ujeedkiisu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.