Rooble oo amray in baaris lagu sameeyo qarixii lagu dilay xildhibaan Aamino

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war deg deg ah kasoo saaray qarixii caawa ka dhacay Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Rooble ayaa amray hay’adaha amniga inay baaris dhab ah ku sameeyaan qaraxaasi lagu dilay marxuumad Aamino oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.

Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.

Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here