Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu bartilmaameedsaday Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Aamino ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyootay qaraxaasi, waxaana sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Marxuumadda ayaa ka mid aheyd musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisu yahay Hop#135 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale qarax kale ayaa laga maqlay Beledweyne, iyada oo xaaladda magaaladuna ay caawa tahay mid qasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here