R/W Xamsa oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Xamsa iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi,kaa oo diiradda lagu saarayo  xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga  ee labada Dal.

Dhanka Kenya, waxaa kulanka u hoggaaminaaya Madaxwayne Ku-xigeenka Dalkaas.

Intaas kadib ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ,kaa oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga ee labada Dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here