R/W Xamza oo ka hadlay khilaafka u dhexeeyo dowladda dhexe iyo Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli ku sugan magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland.

 

Xamza oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo ay su’aallo ku weydiinayeen bulshada Kismaayo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in xal loo helo tabashada qay qabto Puntland, si loo dhammeeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay dadaal badan gelisay arrintaan, isla-markaana ay ergo u dirtay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, si ay usoo qanciyaan.

“Waxaan dirnay ergo ka kooban saddex oo dowlad goboleedyada madax u ah inay u tegaan madaxweyne Saciid oo ay kusoo qanciyaan wax alle wixii tabasho ah iyo aragti ah uu nagu khilaafsan yahay inuu keeno, annagana aan diyaar u nahayn inta aan kala fadhiisano oo aan ka doodnom haddii uu naga saxan yahayna aan qaadano tiisa” ayuu yiri Xamza.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo muddo dheer soo taagnaa ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda, waxaana sidoo kale go’ay xiriirka labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here