Rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta oo walaac ku abuuray Soomaalida Koonfur Afrika

0
Supporters of new AmaZulu King Misuzulu kaZwelithini arrive ahead of the final ceremony of his coronation in Durban, South Africa, October 29, 2022. REUTERS/Rogan Ward

Johannesburg – Iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo rabshadaha ka dhanka ah ajaanibta ee Koonfur Afrika, Safaaradda Soomaaliya ayaa farriin u dirtay jaaliyadda Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ilaa 30-ka Juun 2026 uusan jirin wax go’aan cusub ama xaalad gaar ah oo si gaar ah u beegsanaya Soomaalida ama guud ahaan ajaanibta dalka ku nool.

 

Safaaraddu waxay sheegtay in dowladda Koonfur Afrika ay mar kale caddeysay inay ilaalinayso xuquuqda, karaamada iyo badbaadada dhammaan dadka ku sugan dalka, iyadoo aan loo eegin jinsiyaddooda ama xaaladdooda socdaal. Dowladda ayaa sidoo kale ku adkeysatay inaan la aqbali doonin falal naceyb ama takoor ku saleysan isir ama dhalasho.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu boorriyey inay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin ee lagu faafiyo baraha bulshada, isla markaana ay ku kalsoonaadaan oo keliya xogta ka soo baxda hay’adaha rasmiga ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladdiisu si adag uga hortagi doonto isku day kasta oo lagu khalkhal gelinayo amniga iyo xasilloonida dalka, xilli ay jiraan baaqyo ku aaddan dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta.

Kooxo muwaadiniin ah ayaa ku baaqay in 30-ka Juun dalka oo dhan laga dhigo maalin dibadbaxyo looga soo horjeedo muhaajiriinta aan haysan sharciyada deganaanshaha, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay dhacaan rabshado iyo falal naceyb ku saleysan ajaanib-nimo.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay in hay’adaha amniga la faray inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabaan fal kasta oo halis gelin kara nabadda iyo kala dambeynta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here