AUSSOM iyo Midowga Yurub oo adkeeyay taageerada amniga Soomaaliya

0

Muqdisho – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Waaxda Adeegga Diblomaasiyadda Midowga Yurub (EEAS) iyo Hay’adda Saadka Ciidanka ee Faransiiska (EdA).

 

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaysay Ku-simaha Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Gatt-Rutter, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub si loo taageero howlaha AUSSOM iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam taageero oo waara, lagu kalsoonaan karo isla markaana si wanaagsan loo isku dubbariday, si AUSSOM loogu suurtageliyo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, ugana qeyb qaadato dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika iyo Midowga Yurub inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilinta iyo dhismaha hay’adaha amniga.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Yurub uu dhawaan ku dhawaaqay xayiraado ku-meel-gaar ah oo la xiriira bixinta fiisaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay salka ku hayso qiimeyn la xiriirta heerka wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan ka hadlay go’aanka Midowga Yurub, ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dib u qaadan karin dad aan Soomaali ahayn balse isu ekaysiiyay Soomaali si ay u helaan magangalyo.

“Yurub waxay noo keeneen dad aan Soomaali ahayn balse Soomaali ahaan isku dhiibay markii ay Yurub galeen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib u soo dhaweyso muwaadiniinteeda saxda ah, balse aan la aqbali karin in dalka lagu soo celiyo dad aan lahayn dhalashada Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in arrintan ay u baahan tahay xaqiijin iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Midowga Yurub si loo kala saaro dadka sida saxda ah u leh jinsiyadda Soomaaliyeed iyo kuwa si khaldan isu diiwaangeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here