MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shir heer sare ah oo loogaga hadlayey dhammaystirka diyaargarowga doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka ka dhici doona bilaha soo socda.
Shirka oo lagu qabtay xarunta golaha wasiirrada ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo dhammaantood si toos ah uga qayb qaadanaya hawlaha doorashada.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdinta (NIEC) ayaa shirka hortiisa ku soo bandhigay warbixin faahfaahsan.
Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan, ayaa ku tilmaamay in diyaargarowyadu ay gaadheen heerkii ugu sarreeyey, isla markaana la diyaariyey dhammaan agabka farsamada, amniga iyo maamulka ee lagama maarmaanka u ah doorashada.
“Waxaanu diyaarinay qalabka codbixinta, tababarka shaqaalaha doorashada iyo nidaamka amniga; dhammaan waxay ku socdaan qorshe,” ayuu yiri Cabdixakiim Axmed Xasan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga iyo wasaaradaha ku ammaanay dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna xoojiyey in xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay in ay dalka u horseeddo doorasho Qof iyo Cod ah oo bilaabmaysa gobolka Banaadir.
“Doorashada golayaasha deegaanka ee Banaadir waxay noqon doontaa tallaabadii ugu horreysay ee dhabta ahayd ee lagu gaadhayo nidaamka Qof iyo Cod tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991-kii,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku daray.
Doorashada dawladaha hoose ayaa lagu wadaa in ay dalka oo dhan ka dhacdo inta u dhaxaysa bisha January ilaa May sanadka 2026, iyada oo marka hore la qabanayo magaalada Muqdisho iyo gobolka Banaadir.








