Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Galmudug

0

MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Khamiistii hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Garyare, kaddib markii ay ku guuleysteen doorashadii hoggaanka maamulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guusha labada mas’uul ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo u rajeeyay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Qoraal uu soo saaray ayuu Alle uga baryay inuu ku asturo masuuliyadda loo doortay, isla markaana ku garab galo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, gaar ahaan u adeegidda shacabka Galmudug.

Xamsa ayaa sidoo kale bogaadiyay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug iyo guddoonkooda, isagoo ku ammaanay sida hufan ee ay u qabteen doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in doorashadu waafaqsanayd shuruucda doorashooyinka dalka iyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo geeddi-socodka doorashooyinka ku tilmaamay xaq iyo waajibaad ay bulshada leedahay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in maamulka cusub iyo shacabka Galmudug ay sii xoojiyaan midnimadooda, ayna halkaas ka sii wadaan horumarka ay gaareen.

Doorashadan ayaa Galmudug u furaysa marxalad cusub oo hoggaamineed, iyadoo maamulkaasi ka mid yahay dowlad-goboleedyada muhiimka u ah nidaamka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu faahfaahin dheeraad ah kama bixin mudnaanta siyaasadeed iyo qorshayaasha maamulka cusub ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here