Xasan Sheekh oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Hirshabeelle

0

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dimuqraadiyadda, horumarinta dowladnimada iyo howlaha baarlamaanka.

Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halka Cabdiraxmaan Cabdi Iidow loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Jaamac Cali Maxamuudna loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Saddexda mas’uul ayaa hoggaanka cusub ee golaha loo doortay fiidnimadii Khamiista.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen xubnaha golaha, isaga oo u rajeeyay inay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay guddoonka cusub inay ka shaqeeyaan horumarinta dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dardargelinta howlaha Golaha Wakiillada.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, ilaalinta midnimada bulshada iyo xoojinta nabadda iyo horumarka Hirshabeelle.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin sidii adeegyada dowladda loogu dhoweyn lahaa shacabka, isla markaana loo xaqiijin lahaa inay si xor ah u doortaan hoggaamiyayaashooda.

Hirshabeelle waa mid ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here