Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Bashiir Kacaan

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saakay ku geeriyooday Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u soo huray dalkiisa, isla markaana ahaa hawlkar waddankiisa wax badan ugu qabtay aqoontiisa.

“Alle waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehellada uu ka tegeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo muddo dheer u soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo 2013 ilaa 2023 ahaa Agaasinka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddadaas oo uu ugu adeegayey dalkiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here