Wararkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaayada ka socda galbeedka gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Maxamed Taakooy oo ka hadlayay xaalada galbeedka gobolkaaas ayaa eedeyn u jeediyay dad uu sheegay in ay wadaan fashilinta abaabulka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan looga dhawaaqay halkaasi.

 

Guddoomiye Taakooy ayaa sheegay in abaabul muddo soo socday oo ay wadeen dadka daga galbeedka Hiiraan ay jiraan dad ka shaqenaya in ay fashiliyaan howlgalka iyo abaabulka dadka deegaanka, walow uusan carbaabin.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dad daga galbeedka gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Farlibaax ayaga oo ka duulaya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh ay bilaabeen abaabulka howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii dadka deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan lagu soo bandhigay boqolaal kamid ah ciidanka Macawiisleyd oo ka qayb-qaadanaya dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here