Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo magacaabay wasiirro cusub + Magacyada

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo dhameystiray golihiisa wasiirada, kadib wareegto uu soo saaray.

 

Xamza ayaa soo magacaabay afar wasiir iyo hal wasiiru dowle, kuwaas oo kamid noqonayo golihiisa wasiirada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi oo horay u hayay xilka wasiirka arrimaha gudaha.

Janeraal Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga, xilkaas oo uu horay u hayay Maxamed Cali Doodishe oo loo magacaabay safiirka Qatar.

Cali Yuusuf Xoosh ayaa isna loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, halka Cabdullaahi Bidhaan Warsame loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha.

Sidoo kale Maxamed Aadan Macallin ayaa loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed isna loo magacaabay wasiiru dowladaha wasaaradda isbeddelka cimilada.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay Villa Soomaaliya ku guulaysatay anisixinta wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo ay muddo ka taagnayd dood xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here