Puntlad oo gacanta kusoo dhigtay nin xalay dil ka gaystay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo xalay howlgallo ka sameeyay gudaha Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane dil ka gaystay magaaladaasi.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cabdinuur Bashiir Maxamed ayaa loo haystaa inuu dil u gaystay askari ka tirsanaa ciidanka amniga oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa u qornaa sidatan:-

Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo.gacan kasiisay soo qabashadiisa

isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta,sharciguna uu kawayn yahay cidkasta.

#FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here