Ra’iisul wasaaraha UK oo ka hadlay dabkii ka kacay suuqa Hargeysa

0

LODON (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhalatay dabkii Hargeysa ka kacay ee burburka baaxadda leh gaystay.

Waxa uu sheegay in suuqa uu dabku ka kacay uu ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, ayna saamaynta ugu badan dareemayaan dadka leh ganacsiyada yar yar.

“Ingiriisku wuxuu ku dadaali doonaa sidii aanu u taageeri lahayn dedaalka dib-u-dhiska Somaliland.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here