Rooble oo guddiga FEIT ku boggaadiyey bixinta shahaadada xildhibaanimo

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) oo maanta sabti ah bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha ayaa bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.

8-xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanada Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here