Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Senator Cabdirisaaq Maxamed

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ku geeriyoodey Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sifeeyey marxuumka in uu ahaa muwaadin Qarankiisa ugu soo adeegay marxalado kala duwan, kaalin wanaagsanna ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo Alle u waydiiyey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

“Alle ha u naxariistee marxuumka oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janno, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, golihii uu xubinta ka ahaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here