Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho ku tagay Djibouti, kulan la qaatay Madaxweyne Geelle

0

DJIBOUTI — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta gaaray Djibouti, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka, Ismaïl Omar Guelleh, iyadoo labada hoggaamiye ay yeesheen kulan heer sare ah oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal.

 

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay horumarka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, nabadda iyo amniga, iyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga ganacsi iyo horumarinta adeegyada, sida lagu sheegay warbixin iyo qoraal Ra’iisul Wasaaraha Abiy uu ku soo qoray baraha bulshada.

“Doodaha waxaa diiradda lagu saaray arrimaha juqraafi siyaasadeed, nabadda gobolka iyo amniga, iyo xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan ganacsiga, adeegyada dekedaha iyo horumarka—taasoo mar kale muujinaysa go’aankeenna wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida, isdhexgalka dhaqaale, iyo barwaaqo wadaag ah,” ayuu yiri Abiy.

Imaatinka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Itoobiya ay si weyn ugu tiirsan tahay dekedaha Djibouti ee loogu gudbiyo badeecadaha iyo dhoofinta, taasoo ka dhigaysa iskaashiga ganacsi mid muhiim ah oo istiraatiiji ah.

Booqashadan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada gobolka lagu xoojinayo nabadda iyo isku xirka dhaqaalaha ee Geeska Afrika, iyadoo Djibouti ay door muhiim ah ka ciyaarto sidii xarun ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here