Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ka furay Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Madashan oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa soconaysa labada maalmood ee 5-ta iyo 6-da Oktoobar.
Madasha ayaa isu keentay ganacsato, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo qaaradda Yurub, waxaana ka qeybgalaya Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyo wufuud reer Yurub ah oo dalka u yimid ka qeybgalka madasha.
Inta ay madashu socoto, waxaa lagu soo bandhigayaa fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, xoolaha nool, kalluumaysiga, tamarta, dhaqaalaha dhijitaalka ah, is-weydaarsiga tiknoolajiyadda, gaadiidka iyo saadka.
Sidoo kale, madasha waxaa lagu qabanayaa dood-cilmiyeedyo ay ka qeybgalayaashu ku kala dhaafsanayaan aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan horumarinta ilaha wax-soo-saarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa khudbaddii furitaanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in horumarka laga sameeyey dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dalka loo beddelo fursado maalgashi iyo iskaashi oo kobcin kara wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka iyo kordhinta dakhliga soo gala muwaadiniinta.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in iskaashiga noocan ah uu door weyn siinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay dalka kasoo saareen marxalado adag, ayna hadda horyaallaan fursado ballaaran oo ay kaga qeyb qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha dalka.




