Arusha, Tanzania – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Shirweynaha waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, Mudane Dr. Mwigulu Lameck Nchemba, iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda iyo xubno ka kala socda baarlamaannada dalalka caalamka.
Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa hal-ku-dhigga guud ee shirka sanadkan oo ah “Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.”
Shirweynaha ayaa sidoo kale fursad u siinaya baarlamaannada ka qeybgalaya inay ka wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee khuseeya dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo sidii loo xoojin lahaa ka-qaybgalka bulshada.





