Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo ka hadlay hanaanka doorashadda

0

MUQDISHO, 14 December 2025 – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaatay kaarka codbixinta ee Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, iyadoo dhowaan la filayo in bulshada caasimadda ay u dareeraan doorashooyinka golayaasha deegaanka.

 

Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo hore iskaga diiwaan galiyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale maanta ka qaatay kaarkiisa degmadaas, isaga oo bogaadiyay hanaanka shaqo ee guddiga doorashooyinka.

“Tani waa guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u horseedi doonta in 56 sano kadib ay awood u yeeshaan go’aan ka gaarista mustaqbalkooda. Inaad doorato wakiilkaaga kugu matalaya siyaasadda waxay kuu fududeyn doontaa inaad si fudud ula xisaabtanto,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.

Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay in dadka Soomaaliyeed loo celiyo awoodda, isagoo xusay in doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho ay qorshuhu yahay in ay dhawaan bilaabato.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa xalay waqti la qaatay qaar ka mid ah bulshada caasimadda, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay kaarka codbixinta qaataan oo ay ka qayb qaataan doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here