Xamse Cabdi Barre oo sheegay in 2026 dalka laga bilaabi doono qodista iyo soo saarista shidaalka

0

MUQDISHO, 14 December 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta bulshada.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye. Waxay hoggaamisaa tacliinta sare ee dalka, waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxiso waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Intaa waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in sanadka 2026 dalka laga bilaabi doono qodista iyo soo saarista shidaalka, taas oo wax weyn ka bedeli doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarigjarka Masraxa, oo loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka jaamacadda, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here