Ra’iisul wasaare Rooble oo hakiyey doorashada Beelaha Banaadiriga

0
RW Somalia Mohamed Hussein Rooble

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mohamed Hussien Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku hakinayo qabashada doorashada Beelaha Banaadiriga oo ay haatan ka taagan dood xoogan.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay cabasho ku aadan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Banaadiriga.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka socda guddiga doorashooyinka iyo xafiiskiisa, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey kuraasta Banaadiriga.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga  in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here