Wasiirka gargaarka maamulka Jubbaland oo la kulmay wakiilka hay’adda WFP

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay  wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum.

Wasiirka iyo Elkhidir Daluum ayaa ka wada hadlay abaaraha ba’an ee ka jira deegaanada jubbaland iyo sidii hay’adda WFP gacan weyn ugu geysan lahayd gurmad deg deg ah oo loo sameeyo dadka ay abaarta saameysay.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in si gaar ah diirada loogu saaray kulanka xoojinta iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum ayaa dhankiisa balan qaaday taageero deg deg ah in ay siinayaan qoysaska ay abaartu saameysay iyo ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here