Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aadan maalinta 15-ka May u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku amaanay doorkooda ku aadan qeybaha kala duwan ee nolosha iyo sidoo kale difaaca dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhalinyaradu ay laf dhabar u yihiin horumarka dalka iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya.

“Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maalinta dhalinyarada ayaa sanad kastaa loo dabaal-deggaa marka la gaaro 15-ka bisha May, iyada oo maanta oo kale lasoo bandhigo horumarada ay gaareen dhalinyarada iyo sidoo kale caqabadaha kala duwan ee ay la kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here