Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo madaxweynayaashii hore ee dalka?

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka & arrimaha soo kordhay.

Kulanka ayaa ahaa mid is xog wareysi ah, waxaana uu ka dhacay hoyga ra’iisul wasaare Rooble, iyada oo lagu soo hadal-qaaday doorashooyinka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa.

Rooble ayaa sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelanayo musharraxiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, si ay doorashooyinka ugu qabsoomaan jawi xasiloon.

Xalay ayey aheyd markii uu xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here