Xukuumadda Soomaaliya oo heshiis la saxiixatay Qaramada Midoobay

0

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyey heshiis cusub oo ay xukuumadda Soomaaliya maanta la saxiixatay Qaramada Midoobay.

Heshiiskan ayaa ku saasban lacag dhan $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah miisaaniyadda doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka.

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daraya “Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday,”.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho, waxaana si rami ah u billowday soo xulista xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here