Ra’iisul wasaare Rooble oo shir la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka, gaar ahaan dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BFS.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here