Mareykanka oo $5 milyan dul-dhigay madaxa xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) -Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in lacag dhan $5 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay siin doonto ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Serwaan Mustafa oo loo yaqaan Axmed Gurey oo la rumeysan yahay inuu xubin sare ka yahay Al-Shabaab.

“Mustafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka ugu darajada sareeya ee u dhashay Mareykanka ee dibada uga soo dagaalama urur argagixiso,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer.

“Al-Shabaab waxay khatar ku tahay amniga qaranka Mareykanka, xulafadayada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”

Waxaa uu Mustafa ka mid yahay dadka loogu baadi-goobis badan yahay islamarkana ku jira liiska FBI.

Mustafa wuxuu ku dhashay Wisconsin wuxuuna ku koray San Diego, sida ay shegeen sarakiisha Mareykanka.

Waxa uu ku soo barbaaray xaafadda Serra Mesa, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga sare ee magaaladaas. Markii uu dugsiga sare dhameeyay waxaa uu ku biiray Jaamacadda California, San Diego,halkaasi oo uu ka qalin-jabiyay sanaddii 2004.

Sanaddii 2005 isaga oo ay da’diisu tahay 23 jir ayuu Mustafa sida la sheegay ku biiray Al-shabab. Waxa uu culuumta diinta islamka ka bartay xarunta Islaamiga ah ee San Diego ee Kearny Mesa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here