Ra’iisul wasaare Rooble oo war kasoo saaray doorashada Macallimuu

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul wasaara

ha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashada uu maanta ku soo baxay Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ah afhayeenka xukuumaddiisa.

Rooble ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray Macallimuu, wuxuuna u mahadcelisay ergada iska leh kursiga ee u codeeyey afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa walaalkey Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay. Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here