Yaa ku soo baxay lixda kursi ee maanta doorashadooda lagu qabtay Beledweyn?

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne ee xarunta ganacsiga maamulka Hirshabeelle maanta oo Axad ah waxaa lagu qabtay doorashada lix kursi oo ka mid ah 25-ka kursi ee deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaas, kuwaas oo jadwalkooda ay dhawaan shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.

Lixda kursi ee maanta la doortay waxaa ku soo baxay xildhibaanada kala ah.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ku guuleytay kursiga tirsigiisu uu yahay Hop#023, ayaa helay Codad gaaraya 81 Cod halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Cumar Gureey u helay 10 Cod,, waxaana halaabay7 cod.

Sidoo kale, Maxamed ibraahim Macalumuu oo ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#068, ayaa helay codad gaaraya 92-cod, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdicasiis Xasan.

Sidoo kale, kursiga saddexaad waxaa ku guuleystay, Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo u tartamayay kursiga tirsigiisu uu yahay Hop#022, wuxuuna ku soo baxay codod gaaraya 89-cod, halka ay tanaasushay musharaxii la tartameysay ee Faadumo Maxamed Cabdulle.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene Beene) ayaa cod gacan tag ah ugu guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#003, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Aadan  Qaasim Maxamuud.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa cod gacan taag ah ugu guuleystay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#006, wuxuu helay 91-cod, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cumar Cabdulle.

Cabdikariin Cabdow Xeydar ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#252, wuxuuna helay 84-cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here