Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay sanadguurada 66-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS ee Villa Baydhabo, iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in dal aan lahayn ciidan awood leh uusan yeelan karin sharaf iyo karaamo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhismaha ciidan leh awood iyo caqiido sugan oo ilaaliya diinta, dadka iyo dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka iyo qoysaskooda, isaga oo xusay in sugidda amniga xuduudaha dalka ay tahay tiirka koowaad ee amniga. Wuxuu tilmaamay in dal aan xuduudihiisa la ilaalin uu la mid yahay guri furan oo cid walba ay hunguri ka geli karto.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, gaar ahaan gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Wuxuu sidoo kale mahadcelin u jeediyay saaxiibbada caalamiga ah ee taageerada siiya ciidanka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka ay ku leeyihiin xoojinta awoodda ciidanka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda daryeelka agoonta, naafada iyo howlgabka ciidanka, isaga oo sheegay in la dhagax-dhigay xarun cusub oo loogu talagalay daryeelkooda, isla markaana la aas-aasay hay’ad u adeegta xuquuqdooda iyo baahiyahooda, taas oo mudnaanta koowaad u leh Xukuumadda DanQaran.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay abaalmarinno saraakiil ka tirsan ciidanka, iyadoo si gaar ah loo maamuusay cutubka Heegan oo goobta kusoo bandhigay suugaan waddani ah.May be an image of daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of brass, trumpet, clarinet and saxophone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here