Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo kulan amni la yeeshay saraakiisha sare

0

Baydhaba – Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha amniga ee ka howlgala deegaanada maamulkaas, kaddib markii uu isugu yeeray Aqalka Madaxtooyada.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Yare. Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada, Cabdullaahi Cali Watiin, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee Koonfur Galbeed, iyadoo la isla gartay in si degdeg ah loo xoojiyo howlaha nabadeynta iyo sugidda amniga.

Hoggaamiyaha KMG, Jibriil Cabdirashiid, ayaa bogaadiyay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka dadaalka ay ku bixiyeen la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii dardargeliyo howlgallada si shacabka ay u helaan nabad iyo xasillooni waarta.

Ugu dambeyn, wuxuu faray laamaha amniga inay kordhiyaan wada shaqeynta, isla markaana si mideysan uga shaqeeyaan sugidda amniga deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.May be an image of lighting and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here