Dhuusamareeb — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada maamulka, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeyb geli doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo wadatashiga qaran iyo hannaanka dowlad-dhiska.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona hoggaanka Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhageysan doona aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan xoojinta nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.
Kulamadaas ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan dardargelinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.




