Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Bogaadiyey Ganacsatada Gobolka Banaadir

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay carwada ayaa bogaadiyey gabdhaha Soomaaliyeed ee doorka muuqda ka qaatay horumarinta ganacsiga, arrimaha bulshada iyo hal-abuurka ay ka sameeyeen gudaha dalka.

“Waxaan idiinku hambalyeynayaa dadaalka ay la yimaadeen hablaha Soomaaliyeed, hal-abuurkooda iyo sida ay ugu dhiirradeen inay qabtaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Gobolka Banaadir. Waxaan ballanqaadayaa in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay gabdhaha la yimid hal-abuurkan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha ay ka kooban tahay carwada, isagoo dhiirrigeliyey dhallinyarada qeybta weyn ka qaatay qabsoomidda bandhiggan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso garab istaagga ganacsatada yaryar ee soo kobcaya iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi ee dhallinyarada Soomaaliyeed.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here