Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada horumarinta, maalgashiga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Wasiiru-dowlaha ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada joogtada ah ee ku aaddan mudnaanta labada dal iyo arrimaha gobolka.




