Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in iskaashigii labada dal uu ka soo gudbay garab istaag bani’aadantinimo una gudbay iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan taabanaya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 15 sano guuradii ka soo wareegtay markii Turkigu si weyn u xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya. Waxa uu xusay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaaro, macaluul iyo amni-darro ba’an.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashada Erdoğan ay xambaarsanayd farriin cad oo ku saabsan in shacabka Soomaaliyeed aysan kaligood ahayn, isla markaana ay furtay bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal.

“Soomaaliya farriintaasi waxay u furtay bog cusub, muddo kooban kaddibna xiriirkii wuxuu isu beddelay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya, sida waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo ganacsiga,” ayuu yiri Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in mid ka mid ah maalgelinnada ugu muhiimsan ee Turkigu ku sameeyay Soomaaliya ay tahay maalgelinta dadka, isagoo xusay in kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax ku soo barteen Turkiga, kaddibna dalka ugu soo laabteen iyagoo ah dhakhaatiir, injineerro, macallimiin iyo aqoonyahanno.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin goobta juqraafiyeed ee istiraatiijiga ah, xeebta dheer, bulshada da’da yar, kheyraadka kalluumeysiga, dhul-beereedka ballaaran iyo fursadaha dhanka tamarta. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso qorshayaal fursadahaas loogu beddelayo wax-soo-saar, shaqo abuur iyo ganacsi.

Xamsa ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu hadda galay marxalad cusub oo diiradda lagu saarayo iskaashi dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah, isaga oo xusay in labada dal ay ka shaqayn karaan sidii xiriirkooda loogu beddeli lahaa iskaashi horseeda barwaaqo wadaag iyo horumar waara.

Turkiga ayaa 15-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ka taageeray dhinacyo ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadantinimada, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo amniga, taas oo Ankara ka dhigtay mid ka mid ah saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here